63 entries

Articles Published in September, 2018

Ra’iisul Wasaaraha oo Isbitaalka ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku dhaawacmay qarax miino gaarigiisa loogu xiray. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.  
HALKAAN KA DHAGEYSO

Al-Shabaab oo beeniyay sheegashada Itoobiya ee ahaa inay duqeyn ku dishay 70 Al-Shabaab

Xarakada Al-Shabaab ayaa beenisay sheegasho ka soo yeertay maalmo ka hor Ciidamada Cirka ee Itoobiya, kaasoo ahaa inay duqeyn ku dishay 70 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab. 

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare oo maanta gaaray magaalada Dhuusomareeb

Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ee uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug. 

Xildhibaan Beene Beene “Ra’iisul Wasaaraha halkaan ayaa ka sugeynaa, anaga u baahan inuu nala hadlo, ha yimaado”

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Shacabka inay hurdada ka kacaan, isla markaana la soo laabtaan doorkooda la xisaabtanka Xukuumadda, isagoo caddeeyay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaatay doorkoodii la xisaabtanka. 

C/llaahi Sh. Xasan “Dowladda Federaalka wax ka quseyo ma jiraan doorashada Koofur Galbeed”

Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si kulul uga jawaabay war saxaafadeed maalmo ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayay xaalada maamul goboleedyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh, iyadoo looga digay muddo kororsi. 

Al-Shabaab oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay duqeyntii Saakow

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirrada duqeyntii habeen hore ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe. 

Ciidamada NISA oo Muqdisho ku qabtay xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxay ku qabteen xubno ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab. 

Dabeysha Baarlamaanka: Ma Ra’iisul Wasaaraha ku bixi doono, mise Wasiirkiisa Amniga ayuu ku furan doonnaa ?

Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka kala dhaxeysay. 

Clarkston Speaks, Clarkston & DeKalb County SPLOST Updates

audio
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS