63 entries

Articles Published in September, 2018

Waare “Amniga magaalada Muqdisho gacanta ayuu ka baxay, dowladda waxay ka talisaa Wadada Maka al Mukarama”

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabta gaaray magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay ammaank Muqdisho mid faraha ka baxay oo ay dowlada federalkana maamulin dhamaan magaalada. 

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo shuruud ku xiray wada hadalka dowladda Federaalka (Akhriso)

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray baaqii Madaxweyne Farmaajo ee uu madaxda dowlad goboleedyada isugu yeeray shir wadatashi ah oo dhaca 17-18 nisha September, kaddib go’aankii dowlad goboleedyada ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka. 

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo Maxkamad la soo taagay

Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Addis Ababa, isagoo ku eedeysan fal dambiyeed ka dhan ah bani’aadanimada intii uu hayay talada maamulka deegaanka Soomaalida. 

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab

Ciidamada NISA ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku qabtay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab. 

Madaxda Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis nabadeed ku saxiixaya magaalada Jeddah

Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka qeyb galaya shir nabadeed oo maalinta berri oo Axad ah ka dhici doona magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasoo uu martigelinayo Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz. 

Wararkii ugu dambeeyay kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Cadaado iyo Dhuusamareeb

Iyadoo shalay magaalada Cadaado ay gaareen wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa waxaa magaalada ay gashay xaalado siyaasadeed.

Kooxo Hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay labo wiil dhalinyaro ah

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku dileen labo wiil dhalinyaro saaxibo ah. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Wafdigii u horeeyay ee ka socda Aqalka Sare oo maanta u ambabaxay Puntland

Wafdigii u horeeyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro dowlad goboleedyada, si ay u baadigoobaan xalinta khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta u ambabaxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. 

Akhriso: Shuruudo lagu soo rogay dadka xilalka ka qabanaya Dowlad deegaanka Soomaalida

Qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga dareemayaa in gaabis uu ku yimid hawlihii Dowladda Deegaanka kaddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS