Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howl gal qorsheysan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ay ku soo qabteen xubin ka tirsan Al-Shabaab. 


Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada oo ka tirsan Al-Shabaab

Sida lagu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay khabiir dhanka Qaraxyada ah oo Al-Shabaab ka tirsan.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu si taxadar leh loo sii qorsheeyay, isla markaana uu qaatay muddo saacado ah, habeenimadii 27 September.

Hey’adda NISA ayaa howlgalada gaarka ee qarsoodiga ah waxay muddooyinkii u dambeeyay ku shaacinaysay barta Twitter-ka, iyadoo aan faah faahin kale oo dheeraad ah laga bixin.

Howgal saacada qaatay oo si taxadar leh loosii qorsheeyay, kana dhacay agagaarka X-koontarool Mogadishu, ayaa lagu soo qabtay xubin AS oo ahaa Khabiir dhanka qaraxyada, habeynimada 27-ka Sabtember. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS