Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran

Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ay si lama filaan ah ku soo tooseen Ciidamo ku sugan qaar ka mid ah Isgoysyada oo loo diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga inay maraan, marka laga reebo kuwa ciidmada saaran yihiin. 


Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka xiran waddooyinka soo gala, ee ka yimaada jid-cadayaasha xaafadaha degmooyinka ay saaran tahay.

Ciidamada ayaa la sheegay inay waddooyinka ka xireen Isgoysyada Dabka, Taleex, KM4, Illaa Zoobe.

Sidoo kale waxaa xirnaanshaha wadada ay saameysay inta u dhaxeysa wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Isgoyska KM4 oo aan loo ogoleyn gaadiidka caadiga ah, marka laga reebo kuwa ciidanka.

Illaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray, waxaana ciidamada ay dadka u sheegayana in Taliyeyaashooda ay ku amreen.

Ma ahan arrin ku cusub magaalada Muqdisho xirnaanshaha waddooyinka, waxaana looga bartay in waddooyinka la xiro xilliyada wafuud imaaneyso magaalada, madaxda oo dhoofeyso ama munaasabada ay ka qeyb galayaan.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS