Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo Shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada Wasaaradda (Akhriso)

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Jamaal Qaasim Mursal, kaddib wareegto uu soo saaray Wasiirka. 


Wasiirka Batroolka iyo Macdanta oo Shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada Wasaaradda (Akhriso)

Wareegtada Wasiirka oo ku taariikheysneyd (22 September) labo maalmood ka hor ayaa Xoghayaha Joogtada ee shaqada laga joojiyay loogu soo jeediyay eedeymo kala duwan oo ka mid ah ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda, cabashada shaqaalaha, wada shaqeyn la’aan iyo inuu bixinta siraha muhiimka ee wasaaradda oo loo gudbiyo dhinacyo ka baxsan Wasaaradda.

Dhamaan eedahan ayaa sal u noqday shaqo joojinta Xoghayihii Joogtada Wasaaradda, waxaana lagu wareejiyay arrintiisa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo iyana go’aan ka soo gaari doonta.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada:-

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS