Shirkii labaad oo bil gudaheed uu iclaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo baaqday

Waxaa mar kale baaqday shirkii labaad oo uu bul gudahood ku baaqo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu sabab u noqday labo shir oo Madaxweynuhu ku baaqo inay ka dhici waayaan magaalada Muqdisho. 


Shirkii labaad oo bil gudaheed uu iclaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo baaqday

Madaxweyne Farmaajo ayaa 22-kii bishan war saxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay lagu shaaciyay shir degdeg ah oo la isugu yeeray Madaxda is khilaafka ee Galmudug, si loo dhex dhexaadiyo, loona xaliyo khilaafka ka dhex taagan.

Shirkan oo lagu waday inuu maanta oo taariikhda tahay 24 September ka dhaco Madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa diiday inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaddib qoraal laga soo saaray xafiiskiisa ayuu ku sheegay in aanay jirin Madax Galmudug oo is khilaafsan, dhibaatadana laga soo abaabulo Madaxtooyada.

Hase ahaatee dhanka uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ee fadhigooda yahay Cadaado, isla markaana mar walba u dhega nugul baaqyada dowladda Federaalka ayaa soo dhoweeyay shirka, isagoo caddeeyay inay ka qeyb galayaan.

Inkastoo xaalada cakiran ee ka jirta Galmudug ay siyaasad ahaan saameysay dowladda Federaalka, marka loo eego eedeymaha is-daba jooga ah ee ku saabsan inay faragelin ku heyso, waxaa weli muuqata in dowladdu aanay xal waara ka gaarin khilaafka Galmudug oo dhowr jeer soo noq-noqday, shirar ka dhacay Muqdishana aan xal rasmi ah looga gaarin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 8-dii bishan September isugu yeeray Shir wadatashi ah Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoo laga duulayay war murtiyeedka ay ka soo saareen shirkoodii Kismaayo, isla markaana ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in sababaha dib u dhaca shirarka uu ku baaqay Madaxweynaha ay tahay in weli aanay dowladda xalin tabashada maamul goboleedyada, iyo xalka oo aan laga eegin halkii laga filayay, waxaase la filayaa in mar walba la isku soo dhowaado, isla markaana uu dhinac un uu tanaasul siyaasadeed ka yimaado.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS