Ciidamada NISA oo xabsiga u taxaabay Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda

Ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay waxa ay xabsiga dhigeen Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’addaasi Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal. 


Ciidamada NISA oo xabsiga u taxaabay Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda

Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa la xiray kadib markii shalay uu gaarigiisa ku qarxay bannaanka hore guri uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho, isaga oo ka badbaaday qaraxaasi.

Ehlada Gacal ayaa u xaqiijiyay saxaafada xarigga loo geystey sarkaalkan ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana loo diidey ehelkiisa iney ogaadaan halka la geeyey.

Laamaha ammaanka weli kama aanay hadal xarigga Dr. Gacal iyo sababaha ka dambeeyay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS