Al-Shabaab oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay duqeyntii Saakow

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirrada duqeyntii habeen hore ka dhacday degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe. 


Al-Shabaab oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay duqeyntii Saakow

Duqeyntan ayaa waxaa ku dhintay saddex carruur ah, halka burbur xooggan uu soo gaaray madraso wax lagu barto iyo Isbitaalka Guud ee Saakow.

Sawirro la soo bandhigay ayaa muujinaya burbur xoog leh oo soo gaaray goobahaas, sidoo kale meydadka saddex carruur ah ayaa la soo bandhigay oo ku dhintay duqeynta.

Dowladda Federaalka oo aan sheegin cida geysatay duqeyntaas ayaa tilmaamtay in lagu a lagu dilay illaa 12 maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, sida uu wakaalada wararka ee SONNA u sheegay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadam Isaaq.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay duqeyntaas, hase ahaatee waxay dadka deegaanka sheegayaan in diyaaradaha wax duqeeyay ay u muuqdeen kuwo aanay cidna wadin ee Drone-ka loo yaqaano.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  SHABAAB

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS