4 entries
Articles Published on September 20, 2018
Wasiirka Dastuurka Maamulka Koofur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si kulul uga jawaabay war saxaafadeed maalmo ka hor ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayay xaalada maamul goboleedyada iyo doorashooyinka ku soo fool leh, iyadoo looga digay muddo kororsi.
Tan iyo markii uu soo baxay khilaaf ka dhex bilowday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ee dalka ka jira waxaa abuurmay xasillooni daro siyaasadeed, iyadoo Khilaafkan uu sii xoogeystay kaddib markii shir muddo afar cisho socday ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Magaalada Kismaayo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka kala dhaxeysay.