Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo muddo la baadigoobayay

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku dileen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. 


Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku dilay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo muddo la baadigoobayay

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Abuukar Xasan Cadde oo loo yaqaanay Sayid Abuukar ayaa ka howlgalayay degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, waxaana Ciidamada Booliska gacanta ku dhigeen saddex maleeshiyo la socotay oo dhaawac ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in horjoogahan uu sanadkii 2015 saddex jeer ka baxsaday Ciidamada amniga.

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen”.ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Horjooge Sayid Abuukarey uu ka dambeeyay dilalka saddex mas’uul, 5 askari iyo 23 ruux oo shacab ah, sida uu yiri.

Afhayeenka Booliska ayaasheegay in horjoogahan ay muddo xogtiisa hayeen, isla markaana Ciidamada Amniga ay ku raad-joogeen, waxaa uu intaa ku daray in horay Ciidamada Booliska ugu guuleysteen inay dileen horjoogayaal la shaqeyn jiray oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Jacfar Kuukay, Liibaan Jaraaye iyo Ciisa Tarabuun oo ciidamada ammaanka sanadkii hore gacanta ku dhigeen.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS