Shirar gaar gaar ah oo ka dhacay Kismaayo iyo Shirka maamulada oo maalintii labaad galay

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socdo shirka madaxda maamul goboleedyada oo galay maalintiisii labaad.

Shirar gaar gaar ah oo ka dhacay Kismaayo iyo Shirka maamulada oo maalintii labaad galay

Shirkaasi ayaa ka furmay magaalada Kismaayo maalintii shalay, waxaana kulanka maanta ay kaga hadlayaan arimaha amaanka, qeybsiga Kheyraadka iyo xaaladda siyaasadeed ee ka jirta dala Soomaaliya.

Xalay waxaa magaalada ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen wasiirada maamulada oo ku sugan magaalada Kismaayo, waxaana kulamadaasi ay kaga hadlayeen sida ay u wada shaqeyn karaan.

Wasiirada amniga ayaa qeyb ka ah kulamadii xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana ay isku raaceen inay sameystaan xiriir wanaagsan oo lagu hagaajinayo wada shaqeyn tooda.

Kulankii shalay ayaa madaxda maamul goboleedyada waxay dhaliilo ugu jeediyeen dowladda Soomaaliya oo uu khilaaf kala dhaxeeyo, waxaana shirkaan oo socon doono muddo seddex maalin ah gabogabada laga soo saari doonaa warmurtiyeed ay ku cadeynayaan waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  KISMAAYO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS