Galmudug oo shaacisay in dhawaan lasoo gabo gabeynayo khilaafka u dhaxeeya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in dhawaan lasoo gabo gabeyn doono xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, kaasi oo soo laalaabtay marar badan. 


Galmudug oo shaacisay in dhawaan lasoo gabo gabeynayo khilaafka u dhaxeeya

Maxamed Xaashi Cabdi, madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waqti badan ku bixisay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in heshiiska labada dhinac ay gaareen dhawaan ay saxiixi doonaan, maadaama qodobo badan la isku af gartay.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa hadda ku sugan Magaalada Caabudwaaq, halka Madaxweyne Xaaf uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhashay qaabkii loo Maray isku darkii Galmudug iyo sidoo kale maamulka Ahlusunna.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in lasoo Afjaray Khilaafkii Madaxda Sare ee Galmudug haddanna, waxaa la isku khilaafay sidda loo qorayo Heshiiska la gaaray sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  GALMUDUG

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS