63 entries

Articles Published in September, 2018

Agoosto:Bil gudaheed isbadallo waaweyn oo ka dhacay DDS

Ismaamulka Soomaalida waxaa bil gudaheed soo maray seddex madaxweyne, ka dib rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac salka ku haya kala shaki dhinaca isirka ah.

Galmudug oo shaacisay in dhawaan lasoo gabo gabeynayo khilaafka u dhaxeeya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in dhawaan lasoo gabo gabeyn doono xalinta khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug, kaasi oo soo laalaabtay marar badan. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Golaha Wasiirada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la ansixiyay

Baarlamaanka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey golaha xukuummadda ee maanta la horgeeyay. 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa kulan ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha. 

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta tagaya magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gelinka dambe la filayaa inuu tago magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo booqasho ku tagay dhamaadkii bishii July.

Isbadal lagu sameeyay diblumaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Sudan

Gudaha safaaradda Suudaan waxaa ka dhacday munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen sii hayihii hore ee Safaaradda Suudaan Axmed Ibraahim (Buurfuule), wuxuuna xilka wareejiyay sii hayaha cusub Cusmaan Axmed Maxamed oo Wasaaradda arrimaha dibadda ay u idmatay xilkaasi.

Guddiga doorashooyinka oo faahfaahiyay xiliga la qabanayo Doorasho ka dhaceyso Baydhabo

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa ka hadlay doorasho dhawaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Shirar gaar gaar ah oo ka dhacay Kismaayo iyo Shirka maamulada oo maalintii labaad galay

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socdo shirka madaxda maamul goboleedyada oo galay maalintiisii labaad.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS