Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo sheegay in la dhisayo golaha adeegga Garsoorka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in la dhisi doono golaha adeegga Garsoorka oo aanan shaqeyn tan iyo wixii ka dambeeyay markii la kala diray sanadkii 2015. 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo sheegay in la dhisayo golaha adeegga Garsoorka

Bishii Maarso ee sanadkii 2015 ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kala diray guddigii golaha adeegga garsoorka, waxaana xilligaas qaadacay kala diristaas Golaha adeegga Garsoorka.

Baashe Yuusuf oo wareysi siiyay Telefishinka Horn Cable ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso qorshaha magacaabista golaha adeegga garsoorka, isagoo sheegay in latashiyo badan la gelin doono.

Qorshaha dib u habeynta garsoorka ayuu sheegay inay qeyb ka tahay in la sameeyo golaha adeegga garsoorka, oo garsoorayaal Tayo leh kasoo muuqan doonaan.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in maxkamadda sare ee dalka ay u sii shaqeyn doonto sidii maxkamadda Dastuuriga, haddii ay dhacdo in la isku qabto qodobo dastuurka kamid ah, inta laga dhisayo maxkamadaasi.

Guddoomiye Baashe ayaa shaqada ka joojiyay xubno badan oo ka shaqeynayay maxkamadda sare ee dalka iyo garsoorka gobolka Banaadir, kuwaasoo u badnaa kaaliyayaal maxkamadeed.

Dhamaadkii bishii May ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf, iyadoo magacaabidaas ay hareeysay muran iyo dood ka timid xubnaha mucaaradka iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday oo ku tilmaamay sharci darro, hase ahaatee markii dambe uu aqbalay, xilkana wareejiyay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS