Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cusmaan Saalax ayaa xalay ku hoyday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyagoo wada hadalo la yeeshay Madaxda ugu sareysa dalka. 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo xalay ku hoyday magaalada Muqdisho

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa booqashadooda tahay mid labo maalmood ah, waxaana ku wehliya La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab iyo xubno kale.

Kulamo tan iyo xalay dhex marayay wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo Madaxda dowladda ayaa looga hadlayay sidii xiriirka labada dal loo xoojin lahaa, iyadoo laga ambaqaadayo booqashadii rasmiga aheyd ee uu bishii la soo dhaafay ku tagay magaalada Asmara Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ay horudhac u yihiin Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo dhowaan Muqdisho imaanaya.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea ayaa jawaab u ah booqashadii Madaxweyne Farmaajo bishii hore ku tagay Asmara.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS