43 entries

Articles Published in August, 2018

Dowlada Jabuuti oo walaac xooggan ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara (Akhriso)

Dowladda Jabuuti ayaa si kulul uga hadashay hadal dhawaan madaxweyne Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara ee dalka Eriteria kaasoo ahaa in Asmara laga qaado cunna-qabateynta hubka ee ay saartay Qaramada Midoobay. 

Dowlada Talyaaniga oo dib u dhiseysa Xarunta Maxkamada Sare ee dalka

Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in ay dib u dhis ku samaynayaan xarunta Maxkamadda sare ee dalka ee magaalada Muqdisho. kadib kulan maanta ay ka wada qaateen Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Safiirka Talyaaniga. 

Xoghayaha Difaaca UK oo booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho

Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson ayaa booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana soo dhoweeyay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Amb. David Concar. 

Guddoomiye Yariisow “Muqdisho waa Caasimadda Afrika ugu horreysa Xoriyadda Hadalka”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayey muuqaal baahiyaha Dalsan TV ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed maalgashiga mugga weyn ee ay ku sameynayaan Caasumadda. 

Xasan Sheekh oo ka hadlay xaalada ku soo korortay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray xaalada mugdiga ah ee uu galayo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaddib booqashadii dhowaan Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea oo ay colaad u dhaxeyso Jabuuti. 

Booqashadii madaxweyne Farmaajo ee Eritrea oo xiisad ka dhax- abuurtay Soomaaliya iyo Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa cadeysay mowqifkeeda la xiriira hadal dhawaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay qoondada Soomaalida ku leeyihiin Shidaalka Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrin aad loo hadal hayay oo ku saabsan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas. 

Waare “Walaalaheena Jabuuti wax alla wixii dhib ku ah annagana dhibaato ayay nagu yihiin..”

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay booqashadii Madaxweyne Farmaajo todobaadkii hore ku tagay dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in laga qaado cunaqabateynta saaran, taasoo ay ka carootay dowladda Jabuuti. 

ONLF oo ka soo horjeesatay qoondada Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ee shidaalka

Jabhada ONLF ayaa  ku gacan seyrtey war ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed kaasoo uu ku sheegay in dadka Soomaalida ah ee ku nool dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay ku leeyihiin 5% dhaqaalaha ka yimaada shidaalka laga soo saaro dhulka Soomaalida. 

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS