Sawir qaade iyo Xildhibaan hore oo maanta lagu diley Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku diley  weriye sawir qaade ah iyadoo dilka weriyahana uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada dalka 

Sawir qaade iyo Xildhibaan hore oo maanta lagu diley Muqdisho

Dilka weriyaha sawir qaadaha ah Cabdirisaaq Qaasim IImaaan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah askar ku sugneyn bar koontarool oo labo xabadood ku dhuftay waxana uu marxuumku u geeriyooday rasaastii ku dhacday.

Sawir Qaade Cabdirisaaq Qaasim oo u shaqeynayay taleefishinka saldhigiisu yahay dalka Ingiriiska ee SBS ayaa waxaa cambaareeyay ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed.

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dowlada federalka inay baaritaan ku sameeyaan sababta keentay dilka saxafiga isla markaana sharciga horkeenaan askarigii ka dambeeyay dilkiisa.

Dhinaca kale waxaa lagu diley degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii  9-aad  ee Soomaaliya, Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi Bajamaal, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen raggii dilka geystay inay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanayay dilalka ka dhacay iyadoo qaar kamid ah ay gaysanayaan ciidamada dowlada halka dilal kalana aan la ogeyn cida ka dambeysa.

Illaa lix ruux ayaa siyaabo kala duwan loogu diley maanta magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah labo askari,darawal bajaaj iyo haweeney ganacsato ah.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS