Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shan Shirkadood ka shaqeyn donaan qaadista xujeyda

Wasiiru-dowlaha Wasaarrada Arr Diinta iyo Aw-qaafta dowladda Soomaaliya ahna ku-simaha Wasiirka Diinta Cabdixakiin Xassan Ashkir ayaa isaga oo ku sugan dalka Boqortooyada Saudi Arabia in la bilaabayo soo qaadista xujeyda Soomaaiyeed ee guda-naya sanadkan waajibaadka Xajka.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Shan Shirkadood ka shaqeyn donaan qaadista xujeyda

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadood ka shaqeyn doonaan soo qaadista xujeyda Soomaalida, kuwaa oo sida uu hadalka u dhigay hadaba bilaabay howlahoodii shaqo.

‘’Sanadkan wuxuu uga duwan yahay sanadihii hore shirkaddaha ayaa si buuxda u maamuli doona howlaha xajka, halka kaalinta xukumadda-na ay noqon dooto oo kaliya kor joogteyn oo kaliya ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Wasiiru-dowlaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya siyaasadeyneyso arrimaha Xajka, isaga oo intaa ku daray in madaxda ugu sareysa dalka dadaal badan ku bixiyeen sidii ay xujeyda Soomaaliyeed u tagi lahaayeen sanadkan xajka.

‘’Waxaan rabnaa in si hor dhac ah u sheeg-no in hadda wax walba soo dhamaadeen, dhawaanna xujeyda tagi doonaan dalka Sacuudiga, waxaan beeni-neynaa wararka leysla dhax-marayo ee ah in dowladdu siyaasadeyneyso arrimaha Xajka, waxaan cod dheer ugu sheegey-naa xujeyda Soomaaliyeed in ay tagi doonaan sanadkan Xajka’’ ayuu yiri Cabdi Xakiin Xassan Ashkir.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa imanaya xili warar madax-bannaan sheegayaan in uu jiro wali jiro khilaafka dhinaca shirkaddaha ah ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga, taasoo dib u dhac ku keentay looga bartay in xujeyda Soomaaliyeed tagaan dalka Sacuudiga.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS