Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida oo la jabsaday

Warar saacadihii la soo dhaafay si weyn la isla dhex marayay ayaa sheegaya in habeen hore la jabsaday xafiiskii Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo maalmo ka hor shaqo joojin lagu sameeyay. 

Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida oo la jabsaday

Arrintan ayaa jahwareer badan iyo shaki badan dhalisay, iyadoo sawiro laga soo qaaday xafiiska la jabsaday ay muujinayeen Document-yo daadsan dhulka, qalab Computer ah oo la furay iyo agabyo kale oo xafiiska yaallay oo ka dhex muuqday isku dhex yaac iyo kala daadsanaan.

Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Nabadsugida ayaa ku yaalla xarunta Guud ee Hey’adda ee Guriga Habar Khadiijo loo yaqaano, waxaana su’aal ka taagan tahay sida ay ku suura gashay in sawirada xafiiska oo la jabsaday banaanka soo baxo iyo cida ka dambeysay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa, iyadoo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Xuseen Cismaan Xuseen uu dalka ka maqan yahay, isla markaana uu xilka Si KMG ugu dhiibay Madaxa Xafiiskiisa C/llaahi Aadan Kulane oo la sheegay in aanu ciidan aheyn, isla markaana su’aalo ka taagan tahay sharcinimada inuu kusime noqdo.

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jiray loolan dhanka awoodaha iyo howlaha hey’adda, tan iyo markii la magacaabay Agaasimaha cusub Xuseen Cismaan Xuseen, waxaana Isniintii la soo dhaafay uu shaqo joojin ku sameeyay Labadiisa kuxigeen oo kala ahaa Taliye kuxigeenka koowaad Jen. Cabdalla Cabdalla iyo Taliye kuxigeenka labaad C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano Jaamac

 

  

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS