Al-Shabaab oo Muqdisho ku dishay mid ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka. 

Al-Shabaab oo Muqdisho ku dishay mid ka mid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaanada Koofur Galbeed.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo aan u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka geystay.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhacayay loo geysanayay ergada soo dooratay Xildhibaanada, waxaana bil ka hor Al-Shabaab soo bandhigtay muuqaalo xubno ka mid ahaa ergada oo lagu tooganayo meelo ka mid ah Muqdisho.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS