Mareykanka oo shuruud ku xiray ka qaadida cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran dalka Kuuriyada Waqooyi aan laga qaadi doonin, inta ay ka burburineyso hubka Nukliyeerka ah. 

Mareykanka oo shuruud ku xiray ka qaadida cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi

Hadalkan ayuu ka sheegay magaalada Seoul ee dalka Kuuriyada Koofureed oo uu booqasho ku joogo Mr Pompeo, isagoo xusay in Pyonyang ay ka go’antahay inay fuliso arrintaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa u jooga Seoul si uu ugu qanciyo dalalka Kuuriyada Koofureed iyo Japan heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray Donald Trump iyo Kim Jong Un oo dhowaan ku kulmay Singapore.

Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu arko Kuuriyada Waqooyi oo gebi ahaanba burburisay Hubka Nukliyeerka dhamaadka sanadka 2020.

Dalal uu ka mid yahay Japan ayaa shaki ka muujiyay qaabka loo hirgelinayo heshiiska dhex maray Trump iyo Kim, waxaana ay sheegeen in aanay ku caddeyn heshiiskaasi xilli Pyongyang looga fadhiyo inay burburiso hubkeeda wax gumaada.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  usa

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS