Meydadka labo ruux oo lagu arkay xaafado ka tirsan Muqdisho

Meydadka illaa labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Oday da’ ah ayaa lagu arkay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. 

Meydadka labo ruux oo lagu arkay xaafado ka tirsan Muqdisho

Meydka qof dhalinyaro ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30 sano jir ayaa saaka lagu arkay Xaafada Cali Turcaaye ee degmada Huriwaa.

Wararka ayaa sheegaya in meydka la garan waayay, waxaa ka muuqday qeybaha sare ee jirkiisa rasaas.

Sidoo kale meydka nin oday ah ayaa lagu arkay agagaarka Maxfalka ee degmada Shibis, wararka qaar ayaa sheegaya inuu is dilay, halka warar kalena ay tilmaamayaan in la dilay.

Maamulada degmooyinka Huriwaa iyo Shibis oo degmooyinkooda lagu arkay meydadkan ayaa wax war ah ka soo saarin, waxaana dhacdadan argagax iyo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS