Dilal kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho

Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan, iyadoo duhurnimadii maanta ay rag hubeysan degmada Waaberi ku dileen shaqaale ka tirsan Baarlamaanka, halka mid kalena dhaawacmay. 

Dilal kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho

Ragga geystay dilka ayaa la sheegay inay rasaas la dhaceen gaari ay saarnaayeen Shaqaale ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhintay nin la sheegay inuu ahaa Qasnajiga Baarlamaanka oo lagu magacaabayay Cumar Dhalxa, halka mid kale oo la saarnaa gaariga uu ku dhaawacmay, waxaana ka bad baaday rasaasta labo ruux oo mid ka mid uu ahaa darawal iyo haweeney.

Sidoo kale abaarihii Maqribkii ayaa waxaa rag hubeysan ay agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka ilaalada waddooyinka, sidoo kale haweeney ka ag dhoweyd halka lagu dilay askariga ayaa rasaas haleeshay.

Tan iyo markii uu bilowday Bisha Ramadaan ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo ay ka mas’uul ahaayeen kooxo bastoolado ku hubeysan, mana jirin cid gacanta ku soo dhigtay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS