Daawo Sawirro: Saameynta iyo khasaarihii uu sababay Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho roobab xooggan, kaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana roobabka ay waxyeelo u geysteen jidadka qaar ee magaalada iyo guryo soo dumay. 


Daawo Sawirro: Saameynta iyo khasaarihii uu sababay Roobabkii ka da’ay Muqdisho

Illaa afar ruux ayaa la sheegay in roobabka xalay illaa saaka da’ayay ay ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood guryaha ku soo dumay.

Waddooyinka qaar ayaa waxay noqden kuwo biyo fariisteen, sidoo kalena ay gooyeen, waxaana baabuur dhowr ah ay ahaayeen kuwo ku qalibmay, halka qaarkood ay biyaha dhexda ka galeen.

Dadaalo loogu gurmanayo dadka dan yarta ah ee guryahooda ay biyaha ugu galeen ayaa socda, waxaana saameynta ugu badan roobabka da’ayay ay ku yeesheen dadka danta yar iyo barakacayaasha.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS