Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxyadii iyo jugtii caawa gilgilshay magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow  Ducaale ayaa sheegay in jugtii iyo dhawaaqii cuslaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho aanay aheyn madaafiic hoobiyeyaal ah. 


Wasiirka Amniga oo ka hadlay qaraxyadii iyo jugtii caawa gilgilshay magaalada Muqdisho

Wasiir Ducaale oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee SONNA ayaa sheegay inay dhawaaqa caawa fiidkii laga maqlay Muqdisho ay ahaayeen bacyo lagu shubay Baaruudda Qaraxda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay jirin qof wax ku noqday, sidoo kale Ciidamada ammaanka ay tageen goobihii ay ka dhaceen waxyaabahaas.

Hase ahaatee waxaa jiray weerar bambaano oo lagu qaaday xarumo boolis iyo guri uu degenaa sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo ku dhow Isgoyska Dabka, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay illaa labo askari.

Dadka ku nool Xaafadaha Hodan, Waaberi, H/wadaag, Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ayaa waxaa argagax iyo cabsi geliyay jugta qaraxyo xooggan oo magaalada gilgilay, iyadoo dadka isla dhex marayeen inay ahaayeen wax u eg madaafiic soo dhacayay.

Qaraxyada caawa gilgilay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aaday, iyadoo ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana inta badan bisha Ramadaan kordha weerarada ay geystaan Al-Shabaab, iyadoo Xukuumadda Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in la diyaariyay Ciidamo suga amniga Caasimadda.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS