Shaqaale Ajnabi u shaqeynaysay Hey’adda ICRC oo caawa lagu afduubtay Muqdisho

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha Ajaaniibta Hey’adda ICRC lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka afduubka u dhacay. 


Shaqaale Ajnabi u shaqeynaysay Hey’adda ICRC oo caawa lagu afduubtay Muqdisho

Afduubka ayaa ka dhacay xarun Hey’adda ICRC ku leeyihiin degmada Wadajir, gaar ahaan laami yaraha Zoobe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in afduubkan uu ka dambeeyay nin ka mid ahaa Ilaalada gaarka ee Xarunta ICRC ee Muqdisho.

Ilaalada Xafiiska ICRC ee Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan.

Lama oga in dalka ay u dhalatay haweeneyda ajaaniibta, waxaana afduubka kaddib xarunta tagay Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo wada baaritaano.

Wararka ayaa intaa ku daraya in howl gallo baaritaano xoog leh uu caawa ka socdo degmooyin dhowr ah, kaasoo lagu baadigoobayo shaqaalaha la afduubtay.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegaya inay gacanta ku dhigeen gaari la sheegay inuu qeyb ka ahaa afduubka oo markii hore lagu kaxeystay Haweeneyda ajnabiga aheyd, kaasoo laga helay agagaarka Xaafada Zone K ee degmada Hodan, waxaana warar kale sheegayaan in gaadiid kale lagu sii kaxeystay.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS