Faahfaahin ka soo baxaysa Haweeney lagu diley suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku aadan ruux dumar ah oo lagu dhex diley suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha. 


Faahfaahin ka soo baxaysa Haweeney lagu diley  suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Haweeneydan ayaa la sheegay in dilkeeda ay ka dambeeyeen rag bastoolado ku hubeysan kuwaasoo marka ay dileen kadib goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Maryan Cabdullaahi ay u shaqeyneysay hay’ada WHO gaar ahaan dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Haweeneydan aya ala sheegay in ay ku sugneyd xilligii falka dilka ah ay u geysanayeen kooxda ku hubeysan bastooladaha boosteejada gawaarida aada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Xalay ayay ahayd markii koox bastoolado ku hubeysan ay ku dileen bar koontarool oo ku taal degmada Wadajir labo askari oo ka mid ah ciidamada dowlada.

Dilalka ay geysanayaan kooxaha ku hubeysan bastooladaha ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho mana jirto cid loo qabto dilalkaas iyadoo inta badan ay sheegtaan ururka Al-shabaab balse waxaa jira dilal qorsheysan oo ka dhaca Muqdisho kuwaasoo aysan ururka Al-shabaab sheegan mas’uuliyadeeda.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS