75 entries

Articles Published in May, 2018

Faahfaahin ka soo baxaysa Haweeney lagu diley suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku aadan ruux dumar ah oo lagu dhex diley suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha. 

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay magaalada Brussels

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxa uu u ambabaxay Magalada Barasalis ee Wadanka Biljamka,halkaaso oo uu shir uga qeyb gali doono.

Wasaaraddaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis gaaray

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Cirka ee dawlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti. 

Shaqaale Ajnabi u shaqeynaysay Hey’adda ICRC oo caawa lagu afduubtay Muqdisho

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Haweeney ka mid aheyd shaqaalaha Ajaaniibta Hey’adda ICRC lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka afduubka u dhacay. 

Madaxweynaha Puntland oo shaqadii ka eryay qaar ka mid ah madaxdii wasaaradda kalluumeysiga

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa shaqadii loogaga eryay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland. 

Uhuru Kenyatta; ”Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dad ajaaniib ah”

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qudba uu u jeediyay shacabka dalkiisa waxa uu ku soo hadal qaaday xaalada dalka Soomaliya isagoo sheegay in dad aan u dhalan wadanka Soomaaliya ay dhibaato ku hayaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub Abiy Ahmed. 

Dowlada Maraykanka oo cabasho ku saabsan Milatariga u gudbiyay dowlada Shiinaha

Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbisay dawladda Shiinaha ka dib markii marar kala duwan la shiishay oo shucaac lagu qabtay duuliyeyaasha Maraykanka. 

Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeynayo bisha Ramadaan

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo Isugu jiro:- Booliis, Militari, Nabad Sugidda iyo Asluub loo diyaariyay Sugidda Amniga gaar ahaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan. 

Imtixaanaadka Iskuulada Beledweyne oo saameyn ku yeeshay Fatahaadii Wabiga Shabeelle

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Imtixaanaadkii Iskuulo ku yaalla magaaladaas, kaddib markii ay saameeyeen fatahaadii uu wabiga Shabeelle ka geystay, kaasoo ay ku barakaceen kumanaan ruux. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS