Wasiirka Amniga oo kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cumar Islow oo ay wehliyeen Taliyeyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, halkaasoo ay koontaroolo ku leeyihiin Ciidamada NISA. 


Wasiirka Amniga oo kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho

Wasiir Islow Ducaale ayaa kormeer ku tagay Xerada Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha oo ku yaalla koontaroolka dhanka waqooyi wadada aada Balcad iyo Koontaroolka Siinka Dheer ee Koofur Galbeed wadada aada Afgooye.

Koontaroolada ayaa ahaa kuwo ay heegan ku ahaayeen ciidamada, isla markaana mas’uuliyiinta kormeerayeen habka ay u socoto hubinta gaadiidka soo gala magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa baro koontarool ku leh dhamaan afarta waddo ee laga soo galo magaalada Muqdisho, waxaana lagu baaraa gaadiidka iyo dadweynaha.

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS