Tababarka Ciidamada Soomaaliya lagu siiyo Saldhigga Milateri ee Turkiga

Warbaahinta Turkiga ayaa markii u horeysay muuqaal iyo warbixin ka soo qaaday Saldhigga Milateri ee Turkiga ku leeyahay Muqdisho, halkaasoo lagu tababaro Ciidamo Soomaali ah. 


Tababarka Ciidamada Soomaaliya lagu siiyo Saldhigga Milateri ee Turkiga

Saraakiil ka tirsam Milateriga ayaa Tababaro xirfadooda sareyso siiya Ciidamada Soomaalida ee ku jira xeradaas, kuwaasoo qaab casri loo tababaro.

Qaar ka mid ah Ciidamada la tababarayo oo ah dhalinyaro ayaa soo bandhigaya dhoolatusyo iyo wixii ay ka kororsadeen tababarkii la siiyay, qaarkood ayaa sameynaya dab rid iyo iyagoo sida inay goob dagaal ka dagaalamayaan.

Ciidamada ayaa la barayay qoryaha kala duwan ee casriga, sida toogashada iyo habka wax loo rido.

Tababarkan ayaa dhowr nuuc isugu jira, waxaa qaarkood la siinayaa casharo habka milateri, waxaa ka dhex muuqda in Dhalinyarada Soomaalida iyo Saraakiisha Turkiga ay aad isu dhex galeen oo is fahmeen.

Halkan hoose ka daawo muuqaal iyo sawirro Tababarka la siinayo Ciidamada Soomaalida:-

 

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS