Diyaaradii Malaayiinka Doolar usiday Imaaraatka Carabta oo la fasaxay.

Warar Dheeraad ayaa ka soo baxay Diyaarad laga leeyahay Imaaraatka Carabta oo Galabta lagu qabtay Garoonka Magaalada Muqdisho, kadib markii la helay iney siday lacag aad ufara badan.

Diyaaradii Malaayiinka Doolar usiday Imaaraatka Carabta oo la fasaxay.

Lacagta ayey wararka qaar sheegayaan iney gaareyso 13 Milyan oo Doolarka Mareykanka ah, Waxaana diyaarad la socotay Ciidamo ka tirsan Imaaraatka Carabta oo gaaraya Sodomeeyo kuwaasoo ilaalo gaara ka hayay Lacagta inta ay kaga dhaceyso  soo caga dhigatay Diyaarada Siday lacagahan ayaa waxaa ka dhashay Khilaaf la xiriira in la baaro Boorsooyinka ay ku jireen lacagaha, Saraakiil ka tirsan NISA ayaa ku adkeystay in la baaro Boorsooyinka saaran Diyaarada, Halka Dublumaasiyiin ka tirsan Safaarada Imaaraatka Carabka ee Muqdisho diideen in la baaro iyagoo ku andacoonayay iney leeyihiin Xasaanad Dulumaasiyadeed.

Lacagta maanta Gacanta lagu dhigay ayaa qeyb kamid ah waxaa loo waday Caasimada Puntland ee Garoowe oo ay ku suganyihiin Ciidamada Badda Puntland ee PMBF oo ay Tababareen Imaaraatka Carabta walina ay Gacanta ku hayaan, Saraakiil ka tirsan Garoonka Muqdisho ayaa noo xaqiijiyay in la sii daayay Diyaarada oo ay isla Galabtaba ka duushay Garoonka.

Gawaari kamid ah kuwa aan Xabada karin oo ay leeyihiin Ciidanka Nabad Sugida Somaliya ayaa lagu galbiyay lacagahan, Waxaana la geeyay Xarunta NISA, Si Baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo, Warar kalena waxey sheegayaan in lacagta lagu shubay Bankiga Dhexe, Waloow Xaqiiqdeeda aynaan wali helin.

Saraakiil Somali ah oo ka tirsan Safaarada Imaaraatka Carabta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ugu danbeyn lacagaha la fasaxay oo lagu wareejiyay Safaarada Imaaraatka Carabta kadib wadahadal dhexmaray Masuuliyiinta ugu sareysa Safaarada iyo Madaxda Dowladda Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaan iyadu wali ka hadal lacagahan ay maanta qabteen iyo tirada ay la'egtahay, Waxaana jiro warar sheegaya in Saacadaha soo scoda ay ka ahdlaan xubno akmid ah Wasaarada arimaha dibeda Somaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS