49 entries

Articles Published in April, 2018

Hooyo Soomaaliyeed oo canug Mucjisa ah ku dhashay Muqdisho

Mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa xalay ku dhashay canug mucjiso ah, waxaa uu leeyahay labo madax iyo afar gacmood oo marka aad aragto waxaad moodaa mataano isku dhagan haddane qeybaha dhexe ee jirka ayuu iskaga dhaganyahay oo labo lugood iyo wax seyn u qaab eg ayuu leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha oo xalay kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow iyo Saraakiil Ciidan ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir, iyagoo u kuur galaya xaalada ammaanka. 

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Buulo Mareer

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Jawaari “Aniga isma casilayo, Xukuumadda iyadaa gabtay waajibkeeda ee ha is casisho”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ku guuldareystay inuu kala dhex galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10 cisho ah in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suura gelin.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga oo sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay dal yeelato

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay yeelato dal.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha oo daah furtay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya

Munaasabadaan wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku daah fureysay mashruuca hormarinta iyo tayeynta Ciyaaraha Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlad goboleedyada masuuliyiinta bahda ciyaaraha iyo marti sharaf kale.

Maaamulka Koonfur Galbeed oo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab 19 Shares

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-shabaab kuwaa soo waxyaabaha qarxa u Aasaayay waddada u dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Daynuunay.

Hoolka Golaha Shacabka: Ilaalada Iyo Ciidanka Oo Ka Badan Xildhibaannada

Sida ay Warbaahinta u sheegay Xildhibaanno ku sugan gudaha hoolka golaha shacabka, 27 Xildhibaan ayaa hadda ku sugan hoolka gudahiisa.

Xildhibaannada oo intooda badan aan gudaha u galin xarunta Golaha Shacabka

Wali waxaa ka jirta xarunta cakirnaan ah xarunta Golaha Shacabka oo maanta lagu waday xildhibaannadu ku yeeshaan kulan ka dhan ah mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS