Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo ammaanka xarumaha oo la adkeeyay

Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho ayaa saaka ah mid xiran, iyadoo lagu soo daadiyay ciidamo, waxaana arrintan la xiriiraa xaalado amni daro oo maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay magaalada Muqdisho. 


Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho oo saaka xiran iyo ammaanka xarumaha oo la adkeeyay

Waddooyinka xiran ayaa ka mid ah qeybo ka mid ah jidka Maka Al-Mukarama, dhanka wadada aadaTarabuunka, Isbitaalka Xoogga, iyo waddooyinka soo gala xarunta Golaha shacabka.

Ciidamada ammaanka ayaa la geliyay feejignaan sare, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada laga soo sheegayaa inuu ka jiro howl gallo baaritaano oo gaadiidka qaar si aan horay loo arag loo baarayo.

Ammaanka Wadada hormarta Xarunta Golaha Shacabka ayaa la adkeeyay, waxaana la dhigay dhagxaan waa weyn, gaar ahaan dhanka Isgoyska Sayidka illaa agagaarka Xarunta Tiyaatarka oo lagu xoojiyay ciidamo dheeraad.

Isgoyska Sayidka oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo iyo weeraro.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  muqdisho wadooyinka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS