Faah Faahin: Kulanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr Abdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Faah Faahin: Kulanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho

Kulankan ayaa ka dambeeyay markii Safiirka Imaaraadka Carabta looga yeeray xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho, waxaana su’aalo laga weydiiyo arrimo ku saabsan heshiiskii Dekeda Berbera ee Shirkadda DP World la gashay Somaliland

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Intii kulanku socday waxaa looga wada hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.

Dhankiisa, Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS