Shan carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintey guri ku gubtay magaalada Muqdisho

Shan carruur ah,hooyadood iyo qof marti u ahayd ayaa ku dhintey kadib markii saqdii dhexe ee xalay uu dab qabsaday guri ku yaal degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho. 


Shan carruur ah iyo hooyadood oo ku dhintey guri ku gubtay magaalada Muqdisho

Dabkan ayaa sidoo kale waxaa dhaawac culus ka soo gaaray Axmed Cali oo ahaa aabaha qoyska iyadoo ay ku gubteen dhammaan wixii hanti ay lahaayeen qoyska.

Wararka ayaa sheegaya in aabaha dhalay qoyska uu ku baraarugay dabka balse uu ka soo saaray hooyada dhashay carruurta balse ay diiday oo ay isku dayday inay carruurta ka soo badbaadiso dabka.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay dabka, balse waxaa u soo gurmaday  dadkii deriska la ahaa qoyska waxaana sidoo kale ka qeybgalay deminta dabka gaadiidka dabdemiska ah ee maamulka gobolka Banaadir.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS