5 entries

Articles Published on March 3, 2018

Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Dhamase oo la Burburiyey

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqanaya dalalka deriska la ah Soomaaliya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.

Daawo: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul Wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta. 

Maamulka Degmada Balcad oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad

Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay burburiyaan buundada degmada Balcad balse ay ka difaaceen ciidamada ammaanka.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS