73 entries

Articles Published in March, 2018

Xaruntii Isgaarsiinta Hormuud ee Deegaanka Dhamase oo la Burburiyey

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee deegaanka Dhamase oo qiyaastii 60KM u jira degmada Ceelwaaq.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo booqanaya dalalka deriska la ah Soomaaliya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa booqasho ku kala bixin doona dalal ka tirsan Qaaradda Afrika, si uu u xoojiyo cilaaqaadka iyo iskaashiga Mareykanka la leeyahay Afrika.

Daawo: Ra’iisul Wasaaraha oo si cad uga hor-yimid heshiiskii Dekeda Berbera

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu ka hadlay heshiiskii Dekeda Berbera ee ay saamiga ku kala saxiixdeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya, iyadoo heshiiskan la saxiixay xilli Ra’iisul Wasaraaha ku sugnaa Imaaraadka Carabta. 

Maamulka Degmada Balcad oo ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Balcad

Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur ayaa ku tilmaamay weerarkii shalay ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab inuu ahaa mid ay ku doonayeen inay burburiyaan buundada degmada Balcad balse ay ka difaaceen ciidamada ammaanka.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee G/Shabeelaha Hoose.

wararka idaacadda kulmiye ay ka heleyso degaanka Laanta Buuro  ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin deegaanka Laanta Buuro.

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo ka taagan Balcad.

Wararka laga helayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ay ka taagantahay xaalad kacsanaan ah , iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in mar kale degmada ka dhaco dagaal.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho. 

AKHRISO: Guddiga Dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo kalsoonida kala noqday Wasiir Xoosh

Guddiga Dib u eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa qoraal ay u gudbiyeen madaxda sare ee dalka waxa ay ku sheegeen in ay oo kalsoonida kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil. 
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS