Shirka Golaha Amniga oo maanta la soo gababeynayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed. 


Shirka Golaha Amniga oo maanta la soo gababeynayo iyo war murtiyeed laga soo saarayo

Shirkan oo la filayay in shalay la soo gabagabeeyo ayaa sii dheeraaday, markii loo baahday wada tashi dheeraad ah qodobada looga hadlay ee la xiriira dhismaha ciidamada qaran, u diyaar garowga sidii Ciidamada Soomaaliya amniga ugla wareegi lahaayeen, dib u eegista Dastuurka iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho hal qof iyo hal cod.

Shirka ayaa waxaa furitaankiisa maalinta koowaad shir guddoomiyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo maalintii labaad uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in saxiixa war murtiyeedka shirka ay goobjoog ka noqon doonaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in calaamad su’aal ay dul saaran tahay qodobada ka soo baxa shirkan iyo sida uu u dhaqan galo, iyadoo aanu dalka laheyn Taliye Boolis iyo Nabadsugid muddo saddex bilood.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa ah kii 6aad, tan iyo markii Golahan la dhisay sanadkii hore, waxaana lagu bedelay Madashii Wadatashiga Qaran.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  amniga golaha muqdisho shirka

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS