60 entries

Articles Published in February, 2018

Wararkii ugu dambeeyay Magacaabida Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida oo dib u dhacday

Waxaa dib u dhac ku yimid magacaabidii la filayay ee Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo muddo saddex bilood ay banaan yihiin, kaddib markii dhamaadkii bishii October ee sanadkii hore laga qaaday Taliyeyaashii hayay xilalkaas Sanbaloolshe iyo Saacid.

Sanbaloolshe oo ka hadlay wareejinta Qalbidhagax iyo habdhaqanka dowlada ee Mucaaradka

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka gaabsaday in uu go’aan shaqsiyan ah ay ahayd ku wareejintii Cabdikariin Qalbidhagax ee ay dowladu u gacan gelisay dowlada Ethiopia.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo maamulka degmada ay ku warameen inay arkayeen diyaarada joog hoose ku socota oo sii dhaceysa.

Colombo: Sri Lanka Oo Codsaneysa In Lagu Daro Ciidamada La Dagaalanka Burcad-badeedda

Xukuumadda  Sri Lanka a yaa lagu wadaa in ay codsi rasmi ah u soo qorato kooxda ilaalada xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaano (CGPCS)  in ay uga qeyb-qaadato howl-gallada ka socda  xeebaha Soomaaliya oo lagu dagaalamyo byrcad badeecadda.

Jarmalka oo sheegay in uu soo gabagabeeynayo howlgaladii tababarada ciidamada Soomaaliya

Dowladda Jarmalka oo ayaa shaacisay in gabi ahaanba ay soo afjareyso howlgaladii tababarada ciidamada Soomaaliya ee midowga Yurub oo ay qeyb ka ahaayeen.

Al-shabaab oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen diyaaradii ku soo dhacday SH.Hoose.

Wararka laga helayo  Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  sheegaya in diyaardii laba maalin ka hor ku soo dhacday tuulada Aaybuutey ee hoostimaada deegaanka Owdhiigle ay gacanta ku dhigeen diyaaradaas dagaalamayaasha Al-shabaab.

DHAGEYSO: Cabdi Qeybdiid “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga waxaa la rabay in la igu khaarijiyo”

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Gole ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay kaga hadlay dhacdadii Ciidamo ka tirsan dowladda ku weerareen gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore 2017.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Shir Dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa dhawaan uu shir uga furmo dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka kaa oo looga wada hadli doono arrimo dhowr ah.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS