Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Liiska Argagixisadda ku dartay Hoggaamiye ku xigeenka  Al-Al-shabaab ee Soomaaliya Ninka lagu Magacaabo Abuukar Cali Aadan.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada

Dowladda Mareykanka ayaa tilmaamay in hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab uu abaabulay Weeraro badan oo ay dad ku dhinteen.

Abuukar Cali Aadan Sidoo kale  la xannibay hantidiisa caalamka ,gaar ahaan midda Mareykanka.

Waxa ay sidoo kale Muwaadiniinteeda kaga digtay in ay xiriir la sameeyaan Abuukar Cali Aadan.

Dowladda Mareykanka ayaa horay Liiska argagixisadda ugu dartay Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MAREYKANKA

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS