Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada aabihiis oo goor dhow lagu diley Muqdisho

Waxaa goordhow lagu diley gurigiisa oo ku yiil degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho Cali Nuur oo ahaa aabaha guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada aabihiis oo goor dhow lagu diley Muqdisho

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Cali Nuur lagu dhex diley gurigiisa oo ku yiil meel ku dhow Suuq Boocle degmada Dharkeynley.

Dilka guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada aabihiis ayaa ku soo beegmaysa xilli shalay la bilaabay dhageysiga eedeymo loo haysto rag la sheegay inay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka guddoomiyaha maxkamada ciidamada aabihiis mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka ka dhacay caawa degmada Dharkeynley.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  MUQDISHO

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS