106 entries

Articles Published in 2018

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada aabihiis oo goor dhow lagu diley Muqdisho

Waxaa goordhow lagu diley gurigiisa oo ku yiil degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho Cali Nuur oo ahaa aabaha guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

Akhriso: C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in aysan jirin cid dacwad sharci ah ku haysata

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa soo saaray maanta warsaxaafadeed uu ku sheegay in aysan jirin dacwad sharci ah oo lagu haysto, waxaana uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka in uu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan.

Aqalka sare oo Qaraar ka oo saaray weerarkii Guriga Senator Cabdi Qeybdiid lagu qaaday

Guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qaraar ka soo saaray weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu ka degen yahay magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sidee uga jawaabtay darbiga laga dhisayo xadka Kenya?

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray, sida ay xaqiijiyen masuuliyiin ka tirsan dowladda, in Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa uu kormeer deg deg ah ku tago magaalada Balad Xaawo, si uu warbixin dhammaystiran uga keeno xaaladda ka taagan xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hor yimid go’aankii maanta ee gaartay Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir.

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo hor jeestay dhammaan go’aanadii maanta ka soo baxay Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo 3 Wasiir xilkii ka qaaday, isla markaasna magacaabay 3 Wasiir cusub

Muqdisho, 04 January 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Wax-qabadka Wasaaradda Maaliyadda

Muqdisho, January 3, 2018---Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay wax-qabadkeedii sanadlaha ahaa, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii ay xukuumaddu jirtay, isagoo sheegay in miisaaniyadda dawladda ay samaysay koror fiican oo lagu ammaani karo, waxuuna bogaadiyay sida ganacsatada Soomaaliyeed ay isugu xilqaameen bixinta cashuurta.

Mareykanka oo sheegay in uu Duqeyn ku dilay Al- Shabaab

 War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa waxaa faah faahin looga bixiyay Duqeyn Talaadadii ina dhaaftay 2-dii January 2018 ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad loo xirey qarax miino oo lagu diley askari ka tirsan AMISOM

Ciidamada ammaanka ayaa dad u xirey qarax miino oo lagu diley mid ka mid ah ciidamada dowlada Jabuti ee ka tirsan AMISOM ee ka howlgala degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Hoggaamiye ku xigeenka Al-Shabaab oo lagu daray liiska argagixisada

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Liiska Argagixisadda ku dartay Hoggaamiye ku xigeenka  Al-Al-shabaab ee Soomaaliya Ninka lagu Magacaabo Abuukar Cali Aadan.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS