88 entries

Articles Published in December, 2017

Duqeynta Maraykanku ka geystey sanadkan dalka Soomaaliya oo gaartay 34 weerar

Weerarada duqeynta ah ee uu Maraykanku ku qaaday ururka Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya sanadkan ayaa gaartay 34 weerar halka sanadkii hore ay ka ahayd illaa iyo 13 weerar oo kaliya.

Tarzan; “Xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay cabsi gelin ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.”

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna la taliyaha Arrimaha siyaasada ee Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ku eedeeyay xildhibaanada baarlamaanka inay cabsi gelin ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiraya darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadduuda gobalka Gedo.

Guddiga difaaca ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeelanaya wararka sheegaya in Dowladda Kenya ay darbi ka dhisayso Xadduudda ay Soomaaliya iyo Kenya ka wadagaan Degmada Belad-xaawo ee gobalka Gedo.

Saldhigyadda ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku leedahay soomaaliya oo la dalbaday in la xiro

Hay’ad arimaha xaquuqda aadamaha u dooda oo magaceda loosoo gaabiyo Ifrid fadhigeeduna yahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa dalbatay in la xiro dhaman saldhigyada dowladda Isku taga Imaaradka Carabta ay ku leedahay Somalia waxaana hay’adu ay tilmaamtay in ay handadayaan amniga iyo xasiloonida gobolka.

Dhageyso Warka iyo Barnaamijka dhacdooyinka toddobaadkii tagay ee Soomaaliya ee Radio Sagal

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka dhacdooyinka Todobaadkii Tagay iyo Soomaaliya oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Senatorada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya Miisaaniyada 2018

Senatorada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay ka doodayaan Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 iyadoo hore Baarlamaanka Soomaaliya ay u ansixiyeen miisaaniyada.

Guddiga Joogtada oo ku gacan seyray soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha ee xasaanad ka qaadida Xildhibaanada

Guddiyada Joogtada ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan uu maanta ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ka soo saaray Qaraar ku aadan xasaanad ka qaadista Xildhibaano uu dhowaan soo eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS