88 entries

Articles Published in December, 2017

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo shahaadooyin guddoonsiiyay 8 xisbi siyaasadeed

Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho markii ugu horeysay Shahaado Aqoonsi ah ku guddoonsiiyay ilaa 8 Xisbi siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo “Dowladda waxaa ka go’an dhismaha Ciidan Qaran oo tayo leh”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Amniga Soomaaliya ee ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhismaha ciidan qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan in ay amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Muqtaar Roobow”Aniga isma soo dhiibin oo waxaan kula joogaa dowlada wadahadal.”

Hoggaamiye ku xigeenkii hore ee ururka Al-shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in uusan dowlada federalka isku soo dhiiibin balse uu yimid kadib markii ay wadahadal yeesheen.

Akhriso Taariiqda Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax oo la diley

Wararka ka imanaya dalk Yemen ayaa xaqiijiyay dhimashada Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salax kaasoo lagu diley maanta dagaal xoog leh oo k ahdcay caasimada dalka Yemen.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan ugu wada xisaabtanno qorshayaasha iyo hawlaha aan ku heshiinno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleystay fulinta qorsheyaashii Lix biloodlaha ahaa ee ay higsaneysay muddadii koobnayd ee ay jirtay. 

Dalxiise u dhashay Jarmalka oo lagu dilay dalka Itoobiya

Dalxiise u dhashay dalka Jarmalka ayaa lagu dilay waqooyi bari dalka Itoobiya, gaar ahaan meel ku dhow Xuduuda Eritrea.

Dowladda Federaalka oo bayaan ka soo saartay go’aankii Donald Trump ee magaalada Qudus

Dowladda Federaalka ayaa caawa bayaan ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus inay tahay Caasimadda Israel. 

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada oo la qabtay

Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad goboleedyada, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyo Guddiyo ay Wasaaradda Dhalinyarada u saartay howlaha Tartanka.

Shirka Golaha Wasiirada oo maanta loogaga hadlay qoddobo ay ka mid yihiin amniga

Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Dawladda Federaalka maanta yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre ) ayaa looga hadlay arrimaha amniga, Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, shirarkii Muqdisho ka dhacay iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Nuur Faarax “Ra’iisul Wasaaraha wuu ilduufay, Akoonka dowladda waxaa ku jirtay Shan Milyan”

Hanti dhowrkii hore ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo horay xilka looga qaaday dil ilaaladiisa ay u geysteen Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ayaa beeniyay hadal dhowaan ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Kheyre, kaasoo ahaa in xilligii dowladda xilka la wareegeysay ay Qasnada dowladda wax lacag ah ku jirin.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS