Buracad badeed si dirqi looga bad baadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya

Koox ka tirsan burcad badeedka Soomaalida ayaa shalay oo jimco aheyd la sheegay in laga bad baadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya oo marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed.

Buracad badeed si dirqi looga bad baadiyay markab ganacsi laga lahaa dalka Hindiya

Saraakiisha howl galka la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in la fashiliyay isku day ay illaa 12 ka mid ah burcad badeedka ku doonayeen inay ku qafaashaan markabka.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Jag Amar ayaa waxaa saarnaa 26 shaqaale Hindi ah, waxaana la bad baadiyay abaarihii 12:30 duhurnimo.

Taliyaha Ciidamada la dagaalanka burcad badeedka Marcos ayaa sheegay in howl galka ay ka qeyb qaateen markab dagaal oo laga lahaa Hindiya, kaasoo si  dhasqe ah ugu soo gurmaday markabka ganacsiga.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda Hindiya Captain D.K. Sharma ayaa sheegay inay badqabaan dhamaan 26 shaqaale ee saarnaa Markabka.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka burcad badeedka ee gacanka Cadan, halkaasoo marin muhiim u ah maraakiibta caalamiga isaga kala gooshta caalamka.

Boqolala burcad badeed Soomaali ah ayaa ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Hindiya, kuwaasoo qaarkood xukuno ku dhacay.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Markab Somalia xeebaha

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS