77 entries

Articles Published in October, 2017

Axmed Ducaale Xaaf oo xaalad deg deg ku soo rogay deegaanada Galmudug (Akhriso)

 Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa maanta soo saaray wareegto uu xaalad deg deg ah ku soo rogayo deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa.

Wasiirka Amniga oo soo bandhigay baaritaanka kiiskii Xamar weyne, Taliyeyaal iyo askar loo xiray

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo bandhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo watay gaari ay ku rasaaseeyeen gaari kale.

Magaalooyin ku yaal dalalka Faransiiska iyo Canada oo weeraro dad lagu diley ay ka dhaceen

Weeraro mindiyo iyo baabuur loo adeegsaday ayaa maanta waxa ay ka dhaceen magaalooyinka Merseille iyo Edmonton ee dalalka Faransiiska iyo Canada.

Dhageyso Warka Axadnimo ee Warbaahinta Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada

Kullanti wanaagsan dhageystayaal, kusoo dhawaada warka Radio Sagal iyo Barnaamijka Nasiinada  oo maanta idin kaga soo baahinno Istuudiyaha Radio Sagal ee magaalada Muqdisho.
HALKAAN KA DHAGEYSO

Wararkii ugu dambeeyay ee afti rabshado ay hareeyeen oo ka dhacday Catalonia (Sawiro)

Hogaamiyaha Catalan Carles Puigdemont ayaa goor dhow ku dhowaaqay in ay ku guuleysteen afti ay uga go’ayaan Spain oo ay ku noqonayaan dal iskii u taagan kadib doorashado ay rabshado hareeyeen oo maanta ka dhacday gobolka Catalonia.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga Isgaarsiinta (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga Isgaarsiinta ee dalka, kaasoo si rasmi ah u dhaqan galaya wixii manata ka bilowda.

Xayiraadii Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado oo la qaaday

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu xayiraada uga qaadayo garoonka diyaaradaha Cadaado oo maalmihii la soo dhaafay laga joojiyay diyaaradihii ka imaanayay magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo walaac ka qabta shirka Kismaayo iyo wafdi Wasiiro ah oo ku wajahan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka qabta shirka lagu wado in dhowaan magaalada Kismaayo ku yeeshaan Maamul goboleedyada dalka, iyadoo wada dadaaladii u dambeeyay ee ay ku dooneyso in shirkaas ku hakiso.

Madaxweyne Farmaajo “Inuu dhibka noo soo hormaro waa faa’ido, waana ku ad-adkaaneyna”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumadda ay mas’uul ka tahay arrimaha ammaanka, siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo xusay in wixii ka xumaada uu kula xisaabtami doono.

C/xakiin Camey “Shirka Kismaayo ma ahan shir maslaxad u haya Umadda Soomaaliyeed”

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo wariyeyaasha kula hadlayay Garowe, ayaa ka soo hor-jeestay shirka Kismaayo ee uu dhowaan ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu ku baaqay in shirkaas dib loo dhigo.
entries per page: 5 10 25 50 100
Valid XHTML 1.0 Valid CSS