Xubin ka mid ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo is casilay

Maxamed Yuusuf Tigey oo xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimada Guddiigaas.

Xubin ka mid ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo is casilay

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mr Tigey inuu is casilay, kaddib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam la’aan guddiga.

Mr Tigey ayaa shalay ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu noqonayaa xubintii labaad oo iska casila Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, tan iyo markii uu Guddigan ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo bishii July, markii uu ku dhawaaqay guddiga waxaa iska casilay 48 saacadood kaddib Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweynuhu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga.

Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada ayaa waxaa Guddoomiye u ah Jen, Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sidoo kale Guddigan ayaa waxaa xubin ka ah 13 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, aqoonyahano iyo dad bulshada magac ku leh.

Maxamed Yuusuf Tigey oo fadhiya Midig, kulankii shalay ee Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS