Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada maka Al-Mukarama, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

Qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayay wararku sheegayaan inuu ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay, balse si dhab ah looma ogo, iyadoo waqti hore ay tahay oo aan khasaaraha la qiyaasi karin.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay agagaarka Hotelka Wehliye oo ka mid ah hotelada ku yaalla hareeraha wadada Maka Al-Mukarama.

Todobaadyadii u dambeeyay wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado aad u mashquul badan, halbowlena u ah isu socodka magaalada ayaa waxaa ay bartilmaameed u aheyd qaraxyada loo adeegsado gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Section  Somali
Category   Local News
Tags  muqdisho qarax

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS