Banaan bax looga soo horjeedo dadkii shalay lagu dilay Bariire oo ka dhacay Afgooye

 Banaan bax looga soo horjeedo dadkii rayidka ahaa ee shalay lagu dilay agagaarka deegaanka Bariire ayaa maanta ka dhacay degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha.

Banaan bax looga soo horjeedo dadkii shalay lagu dilay Bariire oo ka dhacay Afgooye

Dadweyne fara badan oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo carruur ayaa isugu soo baxay waddooyinka degmada Afgooye, iyagoo dalbanayay in sharciga la soo taago ciidamadii ka dambeeyay dilka dadka shacabka ah.

Intii banaan baxa socday ayay dadkan waxay ku gubeen waddooyinka taayaro, waxaana ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah ciidamadii fuliyay dilkaas.

Sidoo kale banaan bax kale ayaa isna ka dhacayay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana intii uu socday banaan baxa hakad galay isu socodkii wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Illaa 10 ruux oo isugu jiray carruur iyo dad waayeel ah ayaa shalay lagu dilay beer ku taal Bariire, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda oo wehlinayay ciidamo Mareykan ah ay ka dambeeyeen dilkaas.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay baareyso howl galka lagu dilay dadka shacabka, iyadoo guddi u saartay baaritaankaas.

Section  Somali
Category   Local News
Tags  Banaan baxyo muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS