Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada labo dal oo Midowga Yurub ka tirsan(Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si kala gaar gaar u qaabilay Safiirada labo dal oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaasoo uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo.

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirada labo dal oo Midowga Yurub ka tirsan(Sawiro)

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Czech Republic u soo magacawday Soomaaliya Karel Hecj.

Jamhuuriyadda Czech ayaa muddo dheer wax safiir ah u joogin Soomaaliya, waxaana Safiirkan uu noqonayaa kii u horeeyay ee Soomaaliya u soo magacawdo muddo 30 sano.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Waqooyiga Ireland u soo magacawday Soomaaliya Mr Vincent O’nell.

Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii u dambeeyay waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Dhowr Safiir oo dalal dhowr ah u soo magacawdeen Soomaaliya.

Section  Somali
Category   Local News
Tag  muqdisho

Comments

comments powered by Disqus
Valid XHTML 1.0 Valid CSS